Caruur Agoon ah oo la gudoonsiiyay lacago sadaqo ah Daawo Sawirada)

Caruur badan oo agoon ah ayaa manta  ayaa waxa lacago deeq soo dhiibay walaalo Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Dibadiisa. 

Sheikh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif oo walalaha Soomaaliyeed wakiil uga soo dhigteen in lacagahaasi uu siiyo Caruurta agonta ah iyo Hooyooyinkada. 

Fakhi Baabu Cismaan oo ku nool wadanka Netharland ayaa  lacagta ugu badan ee Sadaqada ah Soo dhibay ayaa waxa uu wakiil ka dhigtay sheikh in uu siiyo carurta agoonta ah lacagtaas ayaa ahayd $2000 oo doolar.

 Sidoo kale Gabar codstay in la qariyo Magaca iyo lacagtaba oo jogta Kenya ayaa mid ah dadka wax sadaqeystay ,waxaa kale Cabdulahi oo soo dhibay $200 ,walaha kariina $707 oo doolar.

 Caruurta agoonta ah ayaa waxa ay yihiin kuwo ay ka muuqaneyso dhibaato xaga Nolosha sida ka muuqato sawrida aad daawaneysaan.

 Tirade caruurta manta lacagta la gudoonsiiyay ayaa waxa ay ahayd 62-caruur ah iyo -15 qaar ka mid ah caruurta agoonta ah Hooyooyinkooda.

 Ugu danbayntiina Sheekha ayaa waxa uu ka dalbaday walalaha soomaaliyeed in ay ku daysadaan walalaha hada lacagta ku sadaqeystay Caruurta agoonta ah isagoona ugu baaqay hadii la helo karo dad bishii wax u soo dira caruurtaasi agoonta ah in ay tahay arin fiican.


XAFIISKA WARARKA GARGAARTRUSTA ,MUQDISHO

About samafal

Speak Your Mind

*